Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saqdii dhexe ee xalay weerar culus ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen deegaanka Ceel-geelow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta waxey baahisay in weerarkaasi lagu dilay 7 askari islamarkaana la qaniimeystay hubkii ay ku dagaalamayeen askarta lagu dilay weerarkaasi.
Sidoo kale weerarkaasi waxey ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaniimeysteen gaari nooca raaxada ah’iyagoona sidoo kale goobta ku gubay gaari kale.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in sidoo kale askari sideedaad ciidamada Mujaahidiinta nolasha ay ku qabteen isla goobtana ay ku gowraceen.
Habeen hore ayeey aheed markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar ay ku qaadeen isbaarada deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay kaasi oo lagu dilay askar ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com