Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxay sheegayaan in duqeyn lagu dilay Sheykh Rufaaci Dhaahaa oo ahaa hogaamiyihii hore ee garabka Meliteriga ee Jamaacadii isalamiga aheyd ee dalka Masar.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacday Gobolka Idlib ee Waqooyiga dalka Suuriya inuu ku Shahiiday Sheykh Rufaaci Dhaahaa iyo dhowr ruux oo kale oo la saarnaa gaarigii uu la soday.
Sheekha oo u dhashay Dalka Masar waxa uu muddo dheer u xirnaa Nidaamkii kaligii taliska ahaa ee uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Masar, waxaana uu u safray dalka Suuriya Sannadkii 2011-kii, kadib markii uu xilka madaxtinimada ee dalkaasi uu qabtay Madaxweynihii la afgembiyay ee Muxamed Mursi.
Shan kadib markii Xabsiga laga sii daayay waxa uu u safray dalka Afghanistan, waxa uuna halkaas kula soo kulmay hoggaankii Jihaadka ee Wakhtigaasi sida Sheykh Cabdalla Cazzaam, Sheykh Usaama Bin Laadin iyo Sheykh Dr Ayman Al-Dawaahiri.
Markii uu Afghanistan kasoo noqday waxa uu u safarro ku tagay Wadamo ka tirsan Yurub, waxaana Sheekhu uu ugu dambeyntii noqday Madaxii Golaha Shuurada ee Jamaacadii islaamiga aheyd ee dalka Masar. Sannadkii 1997-dii waxa uu ka mid ahaa Xubnihii ka tirsanaa Jamaacadaas ee diiday in hubka la dhigo, isagoo ku dhagganaa Mowqifkiisa ahaa in hubka la adeegado si loo rido Nidaamyada daba dhilifyada ah ee aan Sharciga islaamka waxba ku maamuleyn.
Booliiska Caalamiga ah ee Interpol oo kaashanaya Sirdoonka Dowlado kale ayaa Sannadkii 2001-dii waxay Sheekha ka qabteen Garoonka diyaaradaha magaalada Dimishiq, waxaana lagu soo wareejiyay Dowladda Masar, waxaana xabsiga laga sii daayay Sannadkii 2011-kii markii ay billowdeen Kacdoonnadii Gu’ga Carabta.
Duqeyntan lagu dilay Sheekha waxay imaaneysaa Seddax maalmood kadib markii duqeyn tan oo kale ah oo ka dhacday Gobolka Idlib ee Waqooyiga dalka Suuriya lagu dilay Afhayeenkii hore ee Jabhatu Nusrah Sheykh Abuu Farraas As-Suuri iyo Qaa;idkii Melliteriga ee Jamaacadaasi Sheykh Abuu Hammaam As-Suuri.
Xigaho:AmiirNuur Media
Calamada.com