Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha suuqa Bakaaraha ee magaaladan Muqdisho lagu dilay labo askari oo ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qeybta ka howlgasho suuqa Bakaaraha ee qaabilsan in lacagaha ay ka qaadaan ganacsatada Suuqa.
Dilka waxa uu si gaar ah kaga dhacay wadada gasha qeybta Cabdalle Shideeyaha ee suuqa Bakaaraha’waxaana dilka geystay rag ku hubeysan Biskoolada kuwaasi oo la xaqiijiyay in dilka kadib si nabad ah goobta kaga baxsadeen.
Goob joogayaal ka agdhawaa goobta lagu dilay labada askari ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ragga dilka geystay horay u sii qaateen hubkii ay wateen askarta lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha.
Magaalada Muqdisho waxaa si xiriir ah kaga dhaca dilalka qorsheysan ee lala beegsada Xildhibaanada’saraakiil iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’waxaana sidoo kale gudaha magaalada ka dhaca qaraxyada iyo weerarada ka dhan ah shisheeyaha.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.