Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan guutada madaafiicda waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen difaacyada ciidamada Kufaarta AMISOM ee duleedka degmada Baraawe.
Difaacyada ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin madaafiicda ku garaaceen ayaa ah difaacyada shisheeyaha ay ka sameysteen deegaanka Ambareeso oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Baraawe.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in tiro madaafiic ah gudaha u gashay saldhiga islamarkaana la arkayay holac ka baxaya teedhooyinka iyo difaacyada shisheeyaha ee deegaankaasi.
Dhanka kale waxaa barqo nimadii maanta weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Walanweyn oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose’iyadoona ilaa iyo imika aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi dhabba galka ah.
Calamada.com