Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen deegaanka Numbar60 oo ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Madaafiicda ayaa la xaqiijiyay iney gudaha u galeen difaacyada Shisheeyaha ee deegaanka Numbar60’iyadoona dhawaaqa madaafiicda si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed ee askarta Kufaarta kasoo gaartay madaafiicdaasi lagu garaacay difaacyada ay ka sameysteen deegaankaasi.
Duqeyntaan ayaa kusoo aadaysa xilli labo habeen ka hor dagaal iyo duqeyn culus lagu qaaday difaacyada Kufaarta AMISOM ee deegaanka Arbacow ee duleedka magaalada Muqdisho.
Calamada.com