Xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa si aad ah looga maqlay dhawaaqa tiro madaafiic ah oo lagu garaacay xarunta madaxtooyada dowlada Ridada federaalka oo xilliga duqeynta uu ka socday kulan ballaaran.
Ilaa iyo 7 madfac ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaceen gudaha xarunta’waxaana sidoo kale jiro tiro kale oo madaafiic ah oo ku dhacay xaafadaha ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada Villa Somali.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay madaafiicda gudaha u galay xarunta madaxtooyada iyo kuwa ku dhacay nawaaxiga xarunta’iyadoona xilliga duqenta gudaha xarunta madaxtooyada kulan uga socday wafdi ka socda dowlada Masar iyo madaxweynaha dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.