Maktabka qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa goordhow ku dhawaaqay in maalinta berito ay tahay koowda bisha Ramadaan ka dib markii bisha laga arkay meelo badan oo ka tirsan Wilaayaadka Islaamiga.
Mas’uuliyiinta Maktabka qadaha oo tan iyo maqribadii ku mashquulsanaa baadi goobka bisha Ramadaan ayaa sheegay in ugu dambeyntii la isku raacay in berito ay tahay koowda Ramadaan ka dib markii la helay dad badan oo arkay bisha.
Gudiga gaarka ah ee maktabka uu u xilsaaray howshan ayaa la xiriiray ugu yaraan 5 ruux oo ku sugan Wilaayaadka Islaamiga kuwaas oo meelo kala duwan caawa ka arkay bisha Ramadan.
meelaha laga arkay bisha waxaa ka mid ah degmada Ruunirgood ee Wilaayada Sh/dhexe iyo deegaanweynaha ceelasha biyaha.
Sidoo kale wadamo badan oo ka mid ah caalamka islaamka ayaa laga iclaamiyey in maalinta berito ay tahay koowda bisha barakeysan ee Ramadaan.
barakalaahu fiikum