Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay duleedka degmada Balcad ay kuwada dagaalameen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Iska hor’imaadka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaaba Xawaadley oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad’iyadoona iska hor’imaadka uu yimid kadib markii ay ku murmeen qeybsiga qaad iyo lacago baad ah.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney arkeen dhaawacyada 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada ee wada dagaalamay’iyadoona warar hoose ay sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Balcad ayaa sheegaya in wali xaalad kacsanaan ah ay ka taagantahay deegaanka lagu dagaalamay’waxaana suura gal ah in markale diriraan maleeshiyaatka ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.