Wararka ka imaanaya gobalka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka dhac baahsan u geysteen deegaan hoostaga degmada Tiyeeglow ee gobalkaasi.
Maleeshiyaatka Ridada ayaa si dhuumaaleysi ah kaga baxay degmada Tiyeeglow’iyagoona dhac baahsan ka geystay deegaanka Ceelgaras oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Ilaa iyo afar goobood oo ah gooba ganacsi ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyaatka dowlada federaalka ay jabsadeen’iyagoona rartay raashiin iyo lacago yaalay goobahaasi ganacsi.
Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa xilli habeenkii xalay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka 6 ruux oo shacab ah ay ku dileen tuula hoostagta deegaanka Shalambood ee gobalka Shabeelada hoose’iyagoona sidoo kale tuuladaasi u geystay dhac baahsan.
Calamada.com