Saacadihii lasoo dhaafay waxey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen duleedka degmada Buurhakabo ee gobalka Baay’iyadoona rasaastaasi ay ka dhalatay khasaara nafeet.
Maleeshiyaatka dowlada ayaa doonayay iney joojiyaan gaariga oo dhac iyo kufsi kula dhaqaaqaan rakaabka shacabka ah ee la socday gaariga’balse darawalkii ka xeynayay gaariga ayaa isku dayay inuu la baxsada gaariga oo uu badbaadiya rakaabka uu wada.
Maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa markii darawalka uu ka dhaga adeegay amarkooda waxey ooda kaga qaadeen rasaas xoogan oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in rasaastaasi ay ku dhinteen labo ruux oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga la socday’waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale burbur xoogan waxa uu soo gaaray gaarigii rakaabka ay la socdeen.
Inta badan darawalada iyo rakaabka la socda gaadiidka isaga kala goosha gobalada dalka ayaa si aad ah kaga cabanaya isbaarooyin fara badan oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen wadooyinka ka baxa Muqdisho ee kala aada degmooyinka Baydhabo iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobalada Baay iyo Shabeelada dhexe.
Calamada.com
Tuug qaaimiina dadka saas ha u dhibaan laakiin maalintaan gacan idinku dhigno mindi aa idin taqaan