Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay dhinto ciidamadeeda duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ee kaabaya soo duulayaasha Midowga Afrika oo wax kabadan 12 sanadood dagaal uga jira dalka.
Laba mas’uul oo katirsan wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa u sheegay Telefeshinka NBC News in Donald Trump uu qorsheynayso dhimista ciidamadiisa ka howlgala Soomaaliya uuna yareeyo qarashka ku baxa dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.
Mas’uuliyiinta u hadlay dowladda Mareykanka waxay yareynta ciidamadooda Soomaaliya sabab uga dhigeen Xarakada Al Shabaab oo halis toos ah aan ku aheyn ammaanka Mareykanka sida ay hadalka u dhigeen.
“waxaa la joogaa waqtii ay dowladda Soomaaliya ay la wareegi laheyd hoggaaminta dagaalka” sidaas waxaa yiri mas’uul u hadlay wasaaradda G/dhigga Mareykanka.
Sidoo kale isbedelladan waxaa kamid ah in mas’uuliyadda go’aan ka gaaridda duqeymaha Soomaaliya loo wareejin doono dhanka wakaaladda sirdoonka CIA ayna ka wareegi doonto Taliska AFRICOM oo sanaddii 2018 awood loosiiyay in uu umadax banaanyahay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub ee Donald Trump uu ku doonayo in uu ku yareeyo awoodda ciidamada Americanka ah ee dibadda ka dagaallamaya sida Afghanistan,Suuriya,Ciraaq iyo meelo kale.
Sanaddii lasoo dhaafay ee 2018 mareykanka ayaa 47 weerar oo xagga cirka ah ka fuliyay Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaana duqeymahaas qaar kamid ah lagu laayay dad shacab ah.
Ciidamada lugta Mareykanka ayaa xagga cirka iyo dhulka ka taageera ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka, wasaaradda G/dhigga ayaa sanaddii lasoo dhaafay qiratay in Al Shabaab ay laba askari uga dishay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.
401 total views, 2 views today