Wararka ka imaanaya gobalka Baay ee Konfur Galbeed Somali ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saaka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen deegaan dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.
Deegaanka Mujaahidiinta ay weerareen ayaa ah deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo dhaca duleedka degmada Baydhabo’iyadoona ciidamada Mujaahidiinta dhowr jiha ay ka weerareen deegaankaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka markii uu bilowday maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay isaga carareen deegaanka’iyadoona ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen ganiimo ka kooban qoryaha nooca loo yaqaana AK47 iyo Moota saddex lugeey ah oo ay lahaayeen maleeshiyaatka Murtadiinta.
Saddex habeen ka hor ayeey aheed markii ciidamada Mujaahidiinta weerar lagu dilay inka badan 33 askari oo maleeshiyaatka dowlada Ridada ah ku qaadeen xerada Lanata Buura ee gobalka Shabeelada hoose.
Calamada.com