Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan askari oo katirsan xukuumadda dabadhilifka Kaabuul lagu dilay weerar istish-haadi ah oo ciidamada imaarada islaamiga ah ay ka fuliyeen gobolka Meydaan Wardak.
War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada islaamiga ah ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay saaka aroortii lala eegtay saldhig ay ciidamada gaarka ah ee cadowga ku lahaayeen magaalada Meydaan shaar ee xarunta u ah gobolka Meydaan Wardak.
Mujaahid istish-haadi ah oo kaxaynayay gaari hoomfii ah oo lagasoo buuxiyay walxaha qarxa oo tayadooda aad u sarrayso ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee saldhigga arrinkaas oo sababay qeybo badan oo dhismaha saldhigga uu burburo.
Camaliyadda istish-haadiga ah kadib ayay ciidamo inqimaasiyiin mujaahidiin ah udaateen saldhigga cadoga iyagoona sii dhameystiray dhaawacyada maleeshiyaadka dabadhilifyada ah, warka kasoo baxay imaarada ayaa lagu sheegay in ugu 125 katirsan ciidamada dabadhilifyada ah ay ku dhinteen weerarka islamarkaana weeraryahannada istish-haadiyiinta ahaa ay muddo saacada ah ka dagaallamayeen gudaha saldhigga.
Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa mas’uul katirsan wasaaradda difaaca xukuumadda Afghanistan ayaa faafisay in dhimashadu ay ka badantahay 125 askari, sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka imaarada ayaa isna xaqiijiyay in 190 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarkan dhiigga faraha badan ku daatay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag aad u hubeysan oo katirsan Taliban ay weerar kula jarmaadeen saldhigga kuyaal gobolka Meydaan Wardak ee dhaca bartamaha wadanka Afghanistan wuxuuna weerarkan imaanayaa xilli soo duulayaasha shisheeye ay ku fashilmeen in ay muquuniyaan imaarada islaamiga ah.
Weerarkan Barakeysan waxaa fuliyay Saddex Mujaahid oo ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan oo lagu kala magacaabo.
1-Mullaa Cabdul Haadi Axmed.
2-Xaafid Cabdullaahi.
3-Xaafid Asadullaahi Ajneydi.
389 total views, 2 views today