Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah Oo Nolasha Ku Qabtay Maxaabiis Xizbullaata Ah.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah Oo Nolasha Ku Qabtay Maxaabiis Xizbullaata Ah.

calamada July 10, 2016 2 min read
105

jabhatu NusrahMujaahidiinta Jabhatu Nusrah ayaa soo bandhigtay 14 Maxbuus oo ka tirsan Ururka Shiiciga ah ee Xizbu Sheydaan, kuwaas oo ay ku qabato weerar gaadmo ah oo ay ku qaadday Fariisin ay Maleeshiyadaasi ku lahaayeen Mandiqadda Al-Qalamuun ee Dalka Suuriya.

Bayaan kasoo baxay Jabhadda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidankooda oo kaashanaya Liwaaga lagu magacaabo Al-Qaadisiya inay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhigga Al-Safaa ee kuyaalla galbeedka Mandiqadda Al-Qalamuun, waxaana howl-galkaas lagu dilay toboneeyo ka tirsan Ciidamada Nidaamka Bashaar Al-Asad iyo kuwa Ururka Xizbu Sheydaan, halka sidoo kale gacanta lagu dhigay 14 Maxaabiis ah.

Mujaahidiintu waxay sidoo kale sheegeen in howl-galkaasi gaarka ah ay sidoo kale kusoo ghaniimeysteen gaari Taangi ah iyo hub iyo Saanad kale oo aad u badan, iyadoona intii iska hor imaadka uu socday waxyeello xooggan la gaarsiiyay gaari kale oo Taangi ah.

Dhinaca kalena waxaa weli sii soconaya gumaadka ay Muslimiinta Suuriya kala kulmayaan duqeymaha arxan darrida ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee Bashaar Al-Asad iyo kuwa Dowladda Saliibiyada ee Ruushka.

Inkabadan 20 ruux oo Muslimiin ah ayaa ku nafwaayay duqeyn Cadowtooyo oo maalintii shalay diyaaradaha Nidaamka Nuseyriga ah ay ka geysteen Mandiqadda Darkuush ee dhacda baadiyaha Gobolka Idlib ee Waqooyiga dalkaasi.

Sidoo kale duqeymo kuwaas la mid ah ayaa waxay ka dhaceen deegaanno ka tirsan Gobolka Xalab, waxaana duqeymahani ay kusoo beegmayaan xilli Dowladda Ruushka ay ku dhawaaqday inay dib u billowday duqeymaha, kuwaas oo ay sheegtay inay hakad gelisay intii lagu guda jiray Maalmihii Ciiddul Fidriga, balse goob joogayaasha Suuriya ku sugan waxay soo warinayaa inaysan duqeymahaasi marnaba istaagin.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Barnaamijka Faafreebka Wararka Andalus 05-10-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Warka Subax Ee Andalus 05-10-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

August 5, 2022
Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

July 22, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022

Sawirro

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

August 1, 2022
Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

July 31, 2022
Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

July 29, 2022
Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 27, 2022
Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

July 24, 2022
SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

July 21, 2022
Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

July 13, 2022
Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

July 12, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.