Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Mujaahidiinta Yemen Oo Ka Hadlay Qorshihii Ay Uga Baxeen Magaalada Mukallah.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Yemen Oo Ka Hadlay Qorshihii Ay Uga Baxeen Magaalada Mukallah.

calamada May 19, 2016 3 min read
132

BatrifiKalimad Maqal ah oo uu jeediyay Sheykh Khaalid Baadharfi oo ka tiran Hoggaanka Mujaahidiinta Al-Qaacidda ee Jaziiratul Carab ayaa waxa uu ku faah faahiyay  waaqica dhabta ah ee Siraaca u dhaxeeya Mujaahidiinta iyo dhinacyada kasoo horjeeda ee ka socda Dalka Yemen.

Farriintan oo ku socotay Shacabka Muslimka ah ee Dalka Yemen ayaa Sheekhu ugu horreyntii waxa uu Muslimiintu dib u xusuusiyay Axdaath-tii dalkaasi ka dhacday Sannadkii 2011-kii, xilligaas oo Wadanku uu ka billowday kacdoon ka dhanka ahaa Nidaamkii uu hoggaaminayay Cali Cabdalla Saalax, islamarkaana ay Shacabku uga soo horjeedeen Nidaamkaas faasidka ahaa ee daba dhilifka u ahaa dowladaha reer galbeedka.

Kadib Naf-hur badan oo Shacabka Muslimka ah ee Reer Yemen ay sameeyeen, sidii ay meesha uga saari lahaayeen Nidaamkii Cali Cabdalla Saalax ayaa Sheekhu waxa uu tilmaamay in Dowladda Mareykanka iyo Dowladaha khaliijka inay ku dhaqaaqeen tallaab ay ku bad baadinayaan daba dhilifyadooda Dalka Yemen, iyadoo la qaban qaabiyay heshiis ay garwadeen ka aheyd Dowladda Sacuudiga, oo ugu dambeyntii ay kasoo baxeen Seddax qodob oo kala ahaa :

In Cali Cabdalla Saalax lagu badalo Cabdu-Rabbi Haadi Mansuur, in Xuuthiyiinta ay daraf ama qeyb ka noqdaan hanaanka siyaasadeed ee dalkaasi  iyo in dhammaan Adh-raafta kala duwan ee Dalka Yemen la hoos geeyo Dowladda Mareykanka, si ay ugu hoggaamiso la dagaalanka Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah.

Sheykh Khaalid Baadharfi waxa uu sheegay in Xaaladda maanta ay ku socoto sidii ay aheyd Sannadkii 2011-kii, iyadoo Mareykanka iyo Dowladaha Khaliijka ay doonayaan in dhammaan dhinacyadii dagaalka kula jiray Xuuthiyiinta inay dagaalkaas kasoo weeciyaan Maleeshiyaaka Shiicada, islamarkaana dagaalka loo soo wareejiyo dhanka Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah.

Wuxuu Sheekhu carrabka ku dhuftay in xilli ay mudnaanta koowaad aheyd in magaalada Sancaa laga xoreeyo Xuuthiyiinta laakiin Mareyknku uu ku cadaadiyay daba dhilifyadiisa oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraatka inay duullaan ku qaadaan Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah,isagoona sheegay in Dowladda Sacuudigu ay qiratay in Cadowgeeda koowaad ee Dalka Yemen ay u aragto Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah, islamarkaana Xuuthiyiintu ay yihiin kuwo deriskooda ah oo uu is faham uu dhex mari karo.

Sheykh Khaalid Baadharfi oo la hadlayay Muslimiinta Reer Yemen waxa uu sheegay in si loo fashiliyo qorshaha halista ah  ee Ahlu Sunnaha ay u maleegayaan Mareykanka iyo xulafadiisa in marka hore ay waajib tahay in faham laga qaato oo laga faa’ideysto Tajaaribtii hore ee lasoo maray, marka xigtana ay tahay in lasii wado halganka ka dhanka ah cid walba oo dhagar iyo shirqool u maleegeysa Shacabka Muslimka ah ee dalkaasi ku nool.

Sheekhu waxa uu tibaaxay in dagaalka oo kaliya lagu joojin karo Ba’isga gaalada, lagu fashilin karo qorshayaashooda, dagaalka oo kaliyana ay Muslimiinta dib ugu soo ceshan karaan sharafkooda iyo heybadooda, wuxuuna tusaale usoo qaatay Thowrada ka socota Dhulka Shaam, isagoona dhanka kale sheegay in Mujaahidiintu ay garab iyo gaashaan usii ahaan doonaan Muslimiinta Ahlu Sunnaha ah, si loo fashiliyo dhagarta iyo qorshayaasha ay Cadowgu maleegayaan.

Ugu dambeyntii Sheykh Khaalid Baadharfi oo sii wata farriintiisa ku socota Muslimiinta Dalka Yemen waxa uu sheegay in haddii ay Mujaahidiintu ka insixaabeen Saaxilka Xardu-Mowt in weli ay ka muuqdaan Meydaanka dagaalka, iyadoo ay is heysato Quwadooda iyo Cududooda, wuxuuna caddeeyay in Mujaahidiintu ay doorteen in Cadowga ay ula dagaallamaan sida ay iyagu doonaan, wuxuuna faah faahiyay howl-galladii ugu dambeeyay ee Mujaahidiintu ay qaadeen maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo qaarkood lagu beegsaday Saraakiishii horkaceysa duullaankii Shareeco la dirirka ahaa ee lagu soo qaaday gobollada kala ah Xadru Mowt, Abyan iyo Laxaj.

Sidoo kale Sheekhu  waxa uu amaanay Muslimiinta ku nool Gobolka Xadru-Mowt iyo sida ay Mujaahidiintu usoo dhaweeyeen intii ay maamulayeen magaaladaasi,  wuxuuna ugu dambeyntii hadalkiisa kusoo gabeeyay dar daaran uu u jeedinayo Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah, wuxuuna ku dhiirgeliyay inay sii wadaan dagaalka Jihaadka ah ee ay ku difaacayaan Muslimiinta, kuna soo celinayaan Sharafkooda iyo Cizigooda.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Subax Ee Andalus 12-08-1437 Hijri.
Next: Askari Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Beledweyne Lagu Dilay.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

August 5, 2022
Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

July 22, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022

Sawirro

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

August 1, 2022
Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

July 31, 2022
Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

July 29, 2022
Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 27, 2022
Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

July 24, 2022
SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

July 21, 2022
Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

July 13, 2022
Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

July 12, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.