Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in qarax culus lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona qaraxa uu ka dhacay mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadalle ee gobalkaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago ayaa la kacday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada’iyadoona dhawaaqa qaraxa laga maqlay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Qaraxa waxa uu burburiyay gaariga Cabdi Bilaha taasi oo sababtay sidoo kale iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan maleeshiyaatkii Murtadiinta ee gaariga la socday’waxaana uu qaraxa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Masjidka Cali Gaduud.
Galinkii dambe ee shalay ayeey aheed markii hal askari oo ka tirsan dowlada federaalka lagu dilay saddex kalane lagu dhaawacay qarax lagula beegsaday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada hoose.
Calamada.com