Qarax culus ayaa ka dhacay Deegaanka Qaamqaam ee Gobalka Jubbada Hoose, Iyadoona Faahfaahin laga helayo.
Qaraxa ayaa lala beegsaday goob isbaaro u ah Maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Jubbo Land.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Saddex askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe waxaana ku dhaawacmay Hal askari oo isla maleeshiyaatkaasi ah.
Qaraxan ka dhacay Deegaanka Qaamqaam ayaa kusoo aadaya xilli Qaraxyo iyo Kamiin khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Ridada Jubbo Land Saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen Duleedka Magaalada Kismaayo.
Dhanka Kale Dagaallo Culus oo khasaara lagu gaarsiiyay Ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka waxey Ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen Saldhigyada degmooyinka Qoryooley iyo Awdheegle oo ka wada tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Calamada.com