Wararka ka imaanaya Wilaayada Jubbooyinka waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalka Jubbada hoose uu ka dhacay qarax culus oo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Qaraxan ayaa lala beegsadya gaari ay la socdeen maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe gaariga ayaa kasoo baxay deegaanka Dhoobley waxa uuna kusii jeeday dhanka degmada Afmadow ee isla Jubbada hoose.
Gaariga qaraxa lala beegsaday waxaa la socotay Labaatan askari waxaana qaraxa ku baqtiyay Sagaal iyo Toban askari halka askari ee soo haray isagana dhaawac culus ayaa soo gaaray.
Gabi ahaan gaariga la beegsaday ayaa burburay,waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maamulka gaala raaca isku magacaabay Jubbo land.
Calamada.com
771 total views, 2 views today