Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan kuwa dowlada Ridada federaalka ee ku sugan qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay isbaaro maleeshiyaatka dowlada federaalka ay dhigteen tuulada Abuu Xamzah Al-muhaajir oo horay loo aqoon jiray Kabtanlaas oo ku taala wadada ka baxda deegaanka Shalambood.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga deegaanka iyo sidoo kale qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada Shabeelada hoose’iyadoona qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago taasi oo lagu aasay goobta isbaarada ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay dhimashada iyo dhawaaca ku dhawaad shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo xilliga qaraxa ku sugnaay goobta isbaarada ah.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Calamada.com