Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ee dalka Somali waxey sheegayaan in qaraxyo culus saaka ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Qaraxyada oo gaaraya ilaa labo qarax waxey si gaar ah kaga dhaceen inta u dhaxeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka Ceelbaraf ee gobalkaasi.
Qaraxydan waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta oo kasoo baxay degmada Jowhar kuna sii jeeday dhanka deegaanka Ceelbaraf oo ah deegaan ay ku go’doonsanyihiin askarta Shisheeyaha iyo kuwa dowlada Ridada federaalka.
Goob-jooga ka agdhawaa goobta qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay in labada miino ay la kaceen labo gaari oo noocyada Xamuulka ah oo sahay waday kuwaasi oo la xaqiijiyay in gabi ahaan burbureen.
Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in tiro askarta shisheeyaha ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadaasi.
Calamada.com