Waxaa goordhow magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah duleedka magaalada si aad ah looga maqlay qaraxyo culus’iyadoona warar hor dhac ah laga helayo qaraxyadaasi.
Qaraxyada oo gaaraya labo qarax waxey ka dhaceen afafka hor ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka wadada ka timaada degmada Wadajir oo ah dhanka Galbeed ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha garoonka diyaradaha iyo xerada Xalane oo ku dhex taala garoonka balse si rasmi ah looma xaqiijin karo waxa ay tahay rasaasta la maqlayo.
Gaadiidka Ambalasyad ayaa ku qul qulaya gudaha garoonka’waxaa gabi ahaan istaagay dhaqdhaqaaqii iyo shaqadii garoonka iyo xarumaha ku dhaw dhaw.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.