Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe lagu dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar ay ka koobantahay.
Ruuxa shacabka ah ayaa lagu dilay xaafada Horseed ee degmada Jowhar’waxaana dilka ruuxan shacabka ah uu yimid kadib markii askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada si bareer ah rasaas ugu furay.
Mid ka mid ah shacabka ku dhaqan xaafadaha Horseed ee degmadaasi ayaa xaqiijiyay in dilka ruuxa shacabka ah uu yimid kadib markii ay wada murmeen askari ka tirsan maleeshiyaatka Ridada’iyadoona la xaqiijiyay in askariga dilka geystay uu doonayay inuu lacag baad ah ka qaato qofka shacabka ah.
Dhacdadaan ayaa qeyb ka noqoeysa dhibaatooyinka ciidamada Kufaarta AMISOM iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha shisheeyaha ay kaga suganyihiin Konfurta iyo bartamaha dalka Somali.
Calamada.com