Wararka ka imaanaya degmada Benderbeyla oo ka mid ah goobaha uu ka arimiyo maamulka gaala raaca Puntland waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay roob mahiigaan ah.
Marka laga soo tago in roobabkaasi dadka iyo duunyada ku diirsadeen waxey sidoo kale geysteen khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Hooya iyo labo caruur ah oo ay dhashay ayaa la xaqiijiyay iney qaadeen daadka roob dabeyl wata oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degmadaasi’waxaa ugu dambeyntii la xaqiijiyay iney geeriyoodeen hooyadaasi iyo labadeeda canug.
Sidoo kale waxey wararka qaar sheegayaan in la la’yahay aabaha qoyskaasi oo reer guuraa ah mana la xaqiijin in isagana daadka roobka qaadeen.
Sidoo kale roob xoogan oo ka da’ay deegaanka Xaafuun ayaa la sheegay inuu qaaday gabar yar oo ka mid ah dadka deegaanka’iyadoona saacadihii lasoo dhaafay roobab xoogan ka da’een degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Bari.
Calamada.com