Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarkada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi qorsheysan lagu dilay gudoomiye ku xigeenka maamulka dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban degmada Qoryooley ee gobalkaasi.
Cali Nuune oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dowlada federalka ee degmada Qoryooley ayaa lagu dilay howlgal gaar ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fulyeen bartamaha degmadaasi.
Dilka gudoomiye ku xigeenkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin beegsi xoogan ku hayaan saraakiisha dhanka ciidanka iyo kuwa maamulka ee dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com