Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Somali ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan dowlada Ridada federaalka uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq oo ka wada tirsan gobalka Galgaduud’iyadoona sarkaalka dowlada Ridada ka tirsan uu soo gaaray dhaawac culus.
Sarkaalka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Wali Siyaad’iyadoona dhaawaciisa uu yimid kadib markii kolanya uu la socday loo galay wadada isku xirta labadaasi degmo kaasi oo dhaawaciisa la dhigay isbitaalka degmada Cadaado.
Saraakiil u hadashay maamulka dowlada Ridada federaalka ayaa dhaawaca sarkaalkaasi ku eedeeyay maamulka dowlada Kufriga Xabashida Itoobiya u adeega ee Suufida ka talisa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Muddooyinkii dambe waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya maamulada Murtadiinta ah ee Suufida iyo Galmudug oo labaduba ah maamulo ay ku adeegato dowlada Xabashida Itoobiya.
Calamada.com