Rag hubeysan ayaa gudaha degmada Waabari ee gobalka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsan dowlada Ridada federaalka’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka sarkaalka.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Cabdulle kaasi oo ka tirsanaay saraakiisha dhanka Badda ee dowlada Federaalka’sarkaalka waxaa dilay rag biskoolada ku hubeysan.
Ragga dilka geystay ayaa la xaqiijiyay iney goobta si nabad ah kaga baxsadeen’iyadoona meydka sarkaalka goobta ay ka qaadeen maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwa ka howlgala degmada Waabari.
Dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona dilkan uu kusoo aadaya xilli maanta qarax lagu gubay gaari Cabdi Bile ah islamarkaana lagu dilay tiro askar ah oo ka tirsan nabadsugida Ridada oo uu ku jira Sarkaal lagu magacaaba Cali Labo Sheey uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.