Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsanaay maamulka dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban gobalka Banaadir.
Sarkaalkan oo ahaa gudoomiye Waaxeed waxaa lagu dilay gudaha degmada Xamar Jajab’iyadoona dilkiisa ay geysteen rag biskoolada ku hubeysan.
Ragga dilka geystay ayaa la xaqiijniyay in dilka kadib goobta si nabad ah ay kaga baxsadeen’ugu dambeyntii maleeshiayatka dowlada Ridada ayaa goobta ka qaaday meydka sarkaalka lagu dilay degmada Xamar Jajab.
Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ka dhan ah saraakiisha iyo maleshiyaatka dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta shisheeyaha ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.