Sawir R/Wasaaraha Itoobiya Oo ‘Somaliland’ Ka Jaray Soomaaliya Inteeda Kale.

Dowladda Itoobiya ayaa markale muujisaday sida ay gummeysiga ugelisay shacabka Soomaaliyeed ee ay qabsadeen ciidamadeeda.

R/wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitterka soo dhigay Khariirad ama Map muujinaya in Itoobiya ay Soomaaliya inteeda kale ka jirtay gobollada Waqooyi galbeed Soomaaliya ee Somaliland loo yaqaan.

Sawirka khariiradda waxaa laraaciyay qoraal ku qornaa luqadaha English-ka Af Amxaariga iyo Afka Oromada, waxayna Itoobiya sheegtay in xuriyad iyo Barwaaqo lagaarsiinayo dadka Xabashida.


Sida ku cad khariiradda cusub Itoobiya ay meesha ka saartay gobollada waqooyi waxayna dalkeeda ufurtay xeebaha badda cas taas oo ka dhigan in ay isisiisay dekadaha Berbera iyo Zeylac.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa horay usoo saartay Map meesha ka saaraya waxa loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoona dalkeeda ku darsatay Soomaaliya inteeda badan.

Itoobiyaanka ayaa cadaawad fog uqaba shacabka Soomaaliyeed waxaa xusid mudan in ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay gummeysi ku hayaan shacabka Soomaalida.

Comments are closed.