Machadka Barashada Culuumta Sharciga ah iyo midda maamulka ee Qurdubah oo ah machad ay aas aaseen dhalinyaro isu tagtay oo u istaagtay badbaadinta dalka iyo mustaqbalka Jiilka soo koraya ayaa farac cusub ka furtay magaalada Galhareere ee gobalka Galgaduud.
Goobta munaasabada waxaa ka hadlay maamulka guud ee machadka Qurdubah kaasi oo si faahfaahsan kaga hadlay howlaha uu qabta machadka Qurdubah iyo waxyaabaha uu u wada bulshada ku dhaqan degmada Galhareeri maadaama farac cusub ay ka fureen degmada.
Sidoo kale mas’uuliyiinta Wilaayada iyo odayaasha dhaqanka degmada Galhareeri oo goobta munaasabada ka hadlay ayaa si weyn usoo dhaweeyay faraca cusub ee machadka Qurdubah ka furtay degmadooda.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Xaflada Furitaanka Faraca Mahadka Qurdubah.
Calamada.com