Iyadoo muddooyinkii dambe gabi ahaan uu guray wabiga Shabeelle oo mara gobalada Shabeelada hoose’Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa imika waxa uu wabiga keenay biyo fara badan oo dadka ku nool biyaha wabiga si aad ah ugu farxeen.
Sawirada hoos ka muuqanayo waa wabiga Shabeelle qeybaha uu ka mara degmada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan iyo qeybta uu ka maro degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe’waxaana wabiga uu keenay biyo fara badan oo wada gaaray dhinacyada uu ka koobanyahay wabiga.
Dadka ku dhaqan degmooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo usoo daawasha tagay wabiga ayaa si aad ah ugu farxay biyaha badan ee uu keenay wabiga’waxeyna biyahaan imaanayaa waqti xilli roobaadka Gu’ga uu ka curtay qeybo ka mid ah gobalada dalka Somali.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa gabi ahaan qalalay wabiga Shabeella taasi oo dadka intooda badan sabab uga dhigeen in dowlada Xabashida Itoobiya wabiga leexsatay balse waxa Allaah mahadiisa ah in wabiga biyo keenay kadib markii roobabka xilliga Gu’ga curteen.
Hoos Ka Daawo Biyaha Wabiga Shabeelle Qeybta Uu Ka Maro Degmooyinka Beledweyne Iyo Jowhar.
Calamada.com