
Askarta isdhiibtay oo hubkoodu udhammaa ayaa sheegay in bahdil ay kala kulmi jireen ciidamada Xabashida Itoobiya,waxay sheegeen in degmada Maxaas ay kajirto xaalad adag.
Mas’uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa iyana sheegay in ay soo dhoweeyeen ciidamada soo goostay islamarkaana hubkooda loo lacageeyay, wilaayada ayaa ballan qaaday in si heer sare ah ay usoo dhoweyn doonto askari walba oo isagasoo baxa safka gummeysiga islamarkaana uu si nabad gelya ah ugu noolaan doono halka uu doono.
Ciidamadan iska dhiibay magaalada Ceelbuur waxaa taliye u ahaa sarkaal lagu magacaabo Taree dishe waxayna ciidamada Xabashida Itoobiya ugelbiyeen dhanka degmada Galcad ee isla gobolka Galguduud balse markii dambe ayay Itoobiyaanku isaga baxeen dhammaan degmooyinkii ay ka joogeen Bariga Galguduud.
Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamo kasoo goostay DF-ka ay isku dhiibaan wilaayaatka islaamiga ah, Bishii lasoo dhaafay tobanaan askari ayaa iska dhiibay wilaayaatka Jubbooyinka,Gedo iyo labada Shabeelle.
2,417 total views, 2 views today
اللهم ارزقهم بالثبات وعدم الرجوع الي الردة
waaan ku faraxsanahay askarta isa soo dhibtay waxan rajena in dulinimada e kaso tageen