Sawirro Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Degmada Jilib.

Diyaaradaha duuliye la’aanta dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa Labo maalin ka hor waxey duqeyn arxan daro ah ka geysteen degmada Jilib ee Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Duqeyntaas waxa uu Mareykanka ku dilay Saddex ruux oo isugu jira Labo rag ah iyo qof dumar, Sidoo kale duqeyntaan waxaa ku dhaawacmay wiil Afar Sano jir ah.

Dadka duqeynta ku dhintay ayaa kala ahaa Max’med Cabdi Cusmaan Kheyroow oo ahaa dullaal dhulalka kala wareejiya,Goosaar Shalle Maadeey oo ahaa beeraleey, sidoo kale haweenay 70 sana ah oo lagu magacaabo Xaajiyo Muuse Macoow waxeyna Hooyadaan da’da ah udhimatay naxdin ay ka qaadday jugta gantaalladii ay ridayeen diyaaradaha Mareykanka.

Diyaaradaha duuliye la’aanta dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa dhowr jeer sidan oo kale dad shacab ah ugu duqeeyay qeybo ka mid ah Wilaayaatka dalka Somalia.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada.

Comments are closed.