Hay’adda Khayriga ah ee Alixsaan ayaa gurmad raashin qaybin ah gaarsiisay deegaanka Farogurow oo ay ku jiraan dad bukaan socod ah oo qaba cudurka Juudaanka.
Raashinka oo ka koobnaa bur, bariis, sonkor, baasto iyo saliid ayaa la gaarsiiyay 100 qoys oo dadka deegaanka ah, waxa si aad ah usoo dhaweeyay dadkii loo qaybiyay oo ah dad danyar ah isla markaana xanuunsan, sidoo kale dadkan waxa u socda daawo ay bixiso isla hay’adan Alixsaan oo waxa dadkan lagu daryeelaa cisbitaalka wayn ee deegaanka Faro gurow.
Halkan ka daawo sawirada: