Sawirro: Hey’adda Al-Ixsaan Oo In Ka Badan 2200 Oo Qoys Raashin Ugu Qeybisay Deegaanno Ka Tirsan Sh/Hoose.

Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-ixsaan ayaa mashruuc raashin qeybin ah ka fulisay tuulooyin iyo degaano katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.Jamciyadda oo hawshan ku hawlanayd maalmihii ugu dambeeyay ayaa maanta oo Isniin ah soo gabagabeysay mashruuceeda. Mashruucan ayaa waxaa laga hir galiyay 27 Tuulo oo hoos tagta Jannaale, Awdheegle iyo degmada Afgooye.

Waxaa ka faa’iideystay 2276 qoys (Laba kun laba boqol todobaatan iyo lix qoys) oo dan yar ah, adkan ayaa dareen aad u farxad badan ka muujiyay gurmadkan uga yimid hey’adda Al-ixsaan.

Noocyada raashinka ee dadka la siinayay waxaa kamid ahaa Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid, howlwadeennada Hay’adda Al ixsaan ayay uga mahad celiyeen kaalmaha ay lasoo gaareen xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan













Comments are closed.