Iyadoo sannadihii ugu dambeeyay ay Xarakada Al-Shabaab waday hawlo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayaa waxaa jirta in ay haatan sii laba jibaartay hawlahaas maadaama jiilaalku saameyn adag ku yeeshay dadka gaar ahaan reer miyiga.Maamulada islaamiga ah iyo hey’adda Al-ixsaan  Ayaa wada gurmadyo mideysan, waqtiyada qaarna kala gaar ah, si wax looga qabto dhibaatada bulshada heysata.
Usbuucyadii u dambeeyay waxaa raashin laga qeybiyay qaar kamid ah wilaayaadka islaamiga ah, iyadoo uu wali qorshahaasi socdo, lana sii wadi doono sida uu dhawaan shaaciyay afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere).
Marka laga yimaado raashin qeybinta, waxa kale oo socda ol’ole ballaaran oo biyo lagu gaarsiinayo dhulka oonleyda ah, waxaana dhawaan booqanay mid kamid ah degaanada hoos yimaada Baraawe oo kamid ah meelaha biyo dhaamintu ka socoto.Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Biyo Dhaaminta Sh hoose.
Maanshaa allaah,illaahay ha idiin gargaaro,waadguuleeysaneeysiin iinsha allaah.
Wannaaga aad ummada u heeysaan waa lagu dedaalay in la qariyo, oona sawir xun ummada loo tusiyo, illaah baase diidey oo xaqa jecel.
Kuwwaanan waxba gelinna in dadka loo buun buuniyoo cirka lageeyo baa lagu dedaalay alle baa diidey, oo caadilla…….