Degmooyinka iyo deegaanada Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ayaa maanta si wada jir ah looga wada ciiday maalinta kowaad ee ciidul Adxaa’iyadoona dadka Muslimiinta ay salaadda Ciidda kuwada dukadeen fagaara yaal wilaayada u iclaamisay bulshada Muslimka ah in ay Salaadda ku dukadaan.
Fagaaraha Al-ansaar ee magaalada Galhareeri ayaa ka mid ah fagaarashayaasha maanta Salaadda Ciidul Adxaa ay ku dukadeen bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan magaalada Galhareeri ee wilaayada Galguduud.
Carruur iyo Ciroole ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada halkaas oo ay ku muujinayeen farxadooda ku aaddan munaasabadda Ciidul adxaaga barakeysan