Sawirro: Mujaahidiinta Al Qaacidada Ee Jaziiradda Carabta Oo Maxaabiis Kala Soo Baxay Xabsiyada Xuuthiyiinta.

Tandiimka Qaacidatul Jihaad faraciisa dhulka Jaziiradda Carabta gaar ahaan Yemen iyo Maleeshiyaadka Shiicada Xuuthiyiinta ayaa wada gaaray Heshiis maxaabiis isweydaarsi ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Qaacidda ayaa lagu sheegay in ay lasoo wareegeen tobaneeyo maxaabiis mujaahidiin ah oo gacanta Xuuthiyiinta ku jiray waxayna ku bedesheen maxaabiis ay ka hayeen wakiillada Iiraan ee dalka Yemen.

Munaasabad soo dhoweyn ayaa loo sameeyay maxaabiista muslimiinta ee lagasoo fakiyay xabsiyada cadowg, sawirro ay mu’asasada Al Malaaxim baahisay ayaa muujinayay saraakiil iyo ciidamo Al Qaacidda katirsan oo soo dhoweynaya walaalahooda maxaabiista ah ee gacanta Xuuthiyiinta lagasoo fakiyay.

Al Qaacidada dhulka Xikmadda iyo iimaanka ayaa horay sidaan oo kale boqolaal maxaabiis muslimiin sunniga ah ugasoo badbaadisay xabsiyada maleeshiyaadka Shiicada Xuuthiyiinta.







Comments are closed.