Sawirro: Sheekh Iyaad Aaga Ghaali Oo Soo Dhaweeyay Maxaabiis lagasii daayay Xabsiyada Maali.

Mujaahidiinta ka halgama wadamo ka tirsan galbeedka qaaradda Afrika ayaa udabaaldegay sii daysmada boqolaal maxaabiis mujaahidiin ah oo dhowaan lagasii daayay xabsiyada cadowga.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday waqooyiga dalka Maali ayaa soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay maxaabiis isugu jiray askar iyo saraakiil kuwaas oo isbuucii lasoo dhaafay lagasoo fakiyay xabsi kuyaal magaalada Bomako ee caasimadda u ah Maali.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada waxaa kasoo muuqanayay mas’uuliyiin sarsare oo maamuus usameynaya maxaabiistii ku jilba xirnaa xabsiyada cadowga ee xuriyadooda dib u helay.

Sheekh Iyaad Aaga Ghaali oo ah amiirka jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin iyo mas’uuliyiin kale ayaa goob joog u ahaa munaasabadii loo sameeyay maxaabiista, sawirada waxaa laga dheehan karaa sida heerka sare ah ee loo maamusay ragga xuriyadooda dib uhelay.

Isbuucii lasoo dhaafay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo dhaxmaray melleteriga Maali iyo Jihaadiyiinta JNIM ayaa suurtagal ka dhigay in ay xuriyadooda dib uhelaan illaa 206 maxbuus oo mujaahidiin ah iyagoo ku bedeshay siyaasi caan ah oo muddo sedax jeer ah utartamay xilka madaxtinimada Maali.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Xafladda.








Leave A Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.