Wararka ka imaanaya Dalka Maali ee Galbeedka Qaaradda Africa waxey sheegayaan in Saacadihii Lasoo dhaafay gudaha Dalkaasi uu ka dhacay Weerar sababay Khasaara kala duwan.
Weerarkan oo ahaa mid Kamiin ah waxa uu ka dhacay agagaarka Deegaanka Jowmaani oo ah deegaan dhaca Xad beenaadka u dhaxeeya Dalalka Maali iyo Burkina Faso, waxaa Kamiinkan loo dhigay kolanyo isugu jirta Saliibiyiinta ku duulay dalka Maali iyo Maleeshiyaatka Xukuumadda Maali.
Weerarkan dhabba galka waxaa lagu dilay Lix askari oo isugu jirta isbaheysiga Saliibiga iyo Maleeshiyaatka Xukuumadda Maali, Tiro kalane waa lagu dhaawacay weerarkaasi Kamiinka ah.
Mas’uuliyadda Weerarkan Kamiinka ah waxaa sheegtay Mujaahidiinta Jamaacada U Gargaaridda islaamka iyo Muslimiinta ee ka dagaalama dalka Maali iyo dalalka Dariska la ah, Waxeyna Ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen Gaari Dagaal iyo Hub kala duwan.
Mu’assasada Az-zallaaqah ee garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Nusratul Islam Wal Muslimiin ayaa soo bandhigtay Sawirada Meydadka Askartii Isbaheysiga looga dilay Kamiinkaasi iyo Ganiimadii kala duwanaay ee Mujaahidiinta ay ku qabsadeen Kamiinkaasi.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.
Calamada.com