Sawirro:Suldaankii Beesha Jareerweyne Ee Mareykanku Duqeynta Ku Dilay Oo La Aasay.

Allaah ha u naxariisto waxaa la aasay suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka kaasi oo shalay duqeyn ay ku dileen diyaaradaha duuliye la,aanta ee dowladda Saliibiyadda Mareykanka.

Aaska Suldaan Cabbaas Muxamed Xaaji waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad u fara badan kuwaasi oo si weyn uga carooday duqeynta diyaaradaha Mareykanka ay ku dileen Suldaanka.

Duqeyntan Mareykanka uu ku dilay Suldaan Cabaas Muxamed Xaaji waxey ka dhacday duleedka degmada Kabsuumo ee Wilaayada Jubbooyinka.

Suldaanka diyaaradaha Mareykanka duqeynta ku dileen ayaa ahaa suldaan caan ku ahaa taakuleynta dadka Masaakiinta ah ee aan waxbo heysan iyo kuwa ay saameeyaan Fatahaadaha Wabiga Jubbo ee dhexmara Wilaayada Jubbooyinka.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Aaska Suldaanka.

1 Comment
  1. Anonymous says

    ilaahey haka aqbalo shahaada diisa

Comments are closed.