Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay mid ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Yaaq-bishaaro oo 45-km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose’iyadoona ciidamada Mujaaahidiinta Alshabaab si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gudaha deegaanka lagu arkay meydadka afar askari oo ka tirsanaay maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe’iyadoona warar hoose ay sheegayaan in khasaaraha soo gaaray maamulka Murtad Axmed Madoobe intaasi uu ka badanyahay.
Calamada.com