Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Shan Gaari Oo Shisheeyaha Looga Gubay Gobalka Shabeelada Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Shan Gaari Oo Shisheeyaha Looga Gubay Gobalka Shabeelada Hoose.

calamada April 4, 2017 3 min read
73

Muddo laga joogo sideed maalmood, waxaa magaalada Muqdisho kasoo baxay kolonyo ka tirsan ciidamada shisheeye oo galbinayay saad loogu tala galay in la gaarsiiyo Baraawe, kuwaasoo aaney illaa iyo hadda u suura galin iney halkaasi gaaraan.

Ciidamada ayaa wata gaadiid casri ah oo u suura galin karaya iney saacado kooban isaga kala gooshaan Muqdisho iyo Baraawe, laakin sababta keentay iney muddo toban maalmood ku dhow wadada ku jiraan ayaa waxay tahay weeraro culus oo uga imanaya guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaraxyo waaweyn oo kolonyadan kala soo jaan qaaday nawaaxiga Afgooye ayaa illaa iyo hadda lala daba joogaa, iyadoo sadax saac ka hor laga gubay gaarigii shanaad oo qeyb ka ah kuwii saadka siday.

Gaarigii ugu horeeyay waxaa looga gubay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Laanta buuro, kaasoo uu noociisu ahaa Taw, waxaana burburkiisa wehliyay iney dhimasho iyo dhaawac daran noqdeen askartii saarnayd.

Shisheeyaha ayaa muddo joogay halkaas, maadaama uu khasaare culus gaaray, waxaana xusid mudan in markii ay dhaqaaqeen islamarkaana socdeen masaafo dhan 2km, laga gubay gaarigii labaad oo noociisu ahaa Xamuul.

Gaarigan oo sahay siday ayaa waxaa qabsaday qarax aad u xoogan, iyadoo ciidamada shisheeye ay danta ku kalliftay iney isagoo holcaya kasii tagaan, waxaana ay habeenkaasi ku hoydeen Nambar 50.

Subixii xigay ayay soo dhaqaaween, hayeeshee marka ay marayaan qabuuraha Shalaambood ayaa waxaa mid kamid ah gaadiidkooda gaashaaman lala kiciyay qarax miino oo sababa inuu si dhameystiran u burburo.
Shisheeyuhu waxay mar kale ku khasbanaadeen iney halkaasi dagaan, si ay u kala maareeyaan meydadka, dhaawacyada iyo wixii laga ceymin karo burburka gaariga.

Dorraad ayay halkaas kasii amba qaadeen socodkooda, iyagoo ku hoyday degaanka lagu magacaabo Danow, halkaasoo ay haddana maalintii shalay kasoo dhaqaaqeen, waxaana dhacday in gaari kale laga gubo markii ay wax yar dhaafeen tuulada cambarey, lana siman yihiin halka loo yaqaano Fida dheer.

Gaariga laga gubay ayaa wuxuu noociisu ahaa kuwa xamuulka, kaasoo waliba kamid ahaa kuwii ay sida gaarka u ilaashanayeen maadaama uu saad siday, waxaana ay tani ka qaadeen caro xooggan iyagoo ku qamaamay tuulada, oo ay ku dileen laba qof oo ay ku jiro haweeney sagaashan sanno jir ah.

Dilka ay u geysteen waxaa ka daran, dhibaatooyin kale oo ay kula keceen, sida in ay dharka ka qaadaan oo ay soo dhigaan wadada sida uu inoo sheegay mid kamid ah dadka degaanka oo ka qeyb qaatay aas maanta loo sameeyay dadkaasi.

Ciidamada shisheeyaha ayaa xalay ku hoyday degaanka lagu magacaabo Marin gubaay, waxaana saaka aroortii qarax lagula beegsaday degaan lagu magacaabo wareer maleh kadib markii ay soo dhaqaaqeen.

Qaraxa oo aad u xoog badnaa sida ay sheegayaan dad lagu kalsoon yahay, ayaa waxa uu bas beeliyay gaari Booyad ah oo shidaal u siday ciidamada shisheeye, waxaana jirta in dhacdadan kadib ay ku qamaameen tuulada, halkaasoo ay ku dhaawaceen sadax ruux oo ay haweeney kamid tahay.

Intaa waxa dheer in ay muddo saacado ah madaafiicda goobta ku garaacayeen dhulka hawdka ah.

Si kastaba ha ahaato’e ciidamda shisheeye ayaa u muuqanaya kuwa ay si dhab ah u saameysay istaraatiijiyadda dagaal ee ay Mujaahidiintu dajiyeen, waxaana muuqanaysa iney haatan marayaan marxaladdii u dambeysay, maadaama iney dagaalo qaaadaan iska dhaafe ay xataa ku adag tahay iney saadka is gaarsiiyaan.

Xaaladdan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africom iyo gudoomiyaha midowga Afrika sheegeen iney ciidamada shisheeye ku hor kufeen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xigasho Telegramka-radioalfurqaan.com

Calamada.com

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Wariyaha Andalus Oo Kasoo Dhex Waramaya Degmada Ceelbuur.
Next: Dowladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Sababta Ay Ciidamadeedu Uga Baxeen Magaalada Ceelbuur.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.