Shaykh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) Afayeenka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa jeediyey kalimad ku wajahan shucuubta Muslimka ah, Mujaahidiinta iyo Qabaa’ilada Soomaaliyaad, Isagoona ka hadlay dagaalka u dhexeeya xaqqa iyo baadhilka ee ka holcaya geeska Africa.
Kalimaddan oo la dhageysan karo muddo ka badan 30 daqiiqo ayuu Shaykh Cali Dheere ugu horeyn kaga hadlayaa marxaladda taariikhiga ah ee uu ku jiro Jihaadka Soomaaliya ee lagu hortaagan yahay cadowga isa soo baheystay, wuxuuna sheegay in cadowga uu sameeyey waxwaliba uu uu ku zuulin karo Mujaahidiinta, kuna fasaahidin karo dhulka balse Shucuubta Muslimka ah iyo mujaahidiintooda ay si adag kaga hortageen ilaa haddana cadowga uusan xaqiijin ahdaaftiisa.
“Waxaa xaqiiq ah hadaan la helin dagaal lagala hortago cadowga hororka ku ah diinteena, dadnimadeena, iyo hantideena intaba in la gumoobaayo. Wuxuu rasuulka Alle noo tilmaamay ahmiyadda uu dagaalku u leeyahay dadka Muslimiinta ah iyo dhibaatada ay leedahay ka tagista jihaadka oo laga tago” ayuu yiri Afayeenka.
Shaykh Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in Mujaahidiinta iyo dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan Jihaad la isaga dafcinayo duulaanka cadowga, kaas oo ah mid uu Allah faray muslimiinta si looga hortago in cadowga uu qabsado dhulalka muslimiinta, wuxuuna sheegay in ay ku sabrayaan waxwaliba oo ku soo gaaraya dariiqaas, isagoo soo qaatay Axaadiith iyo Aayado qur’aan ah.
“Aayaadkan dhamaantood waxay na tusinayaan in ay lagama maarmaan tahay daa’iman dadka muslimiinta in ay markasta gaalada iyo murtadiinta iska difaacaan, haddii kale waxaa dhaceysa in gaaladaas ay koonka fasahaadiyaan. Sunada tadaafucana waa mid joogta ah oo jireysa horayna u soo jirtay, Sunadaas tadaafuca ama wax iska celinta daa’iman hal qolo guusha ma yeelaneyso, oo marna waad guuleysanaysaa, marna waa lagaa guuleysanayaa” ayuu yiri. Wuxuuna intaas ka dib soo gudbiyey sheekadii dhexmartay boqorkii Ruum (Hiraqle) iyo Abu Zufyaan ee ugu dambeyntii Abuu Sufyaan lagu yiri sidaas ayaa loo imtixaanaa Rususha oo mar wey guuleystaan, marna waa laga guuleystaa, ka dibna iyaga ayey u sugnaatay ciribta dambe.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Hadaba Xarakat AlShabaabul Mujaahidiin waxay u taagan tahay in ay bad-baadiso, ilaaliso, gorgortana aysan ka galin daruuriyaatka shanta ah ee diinteenu ay ku taagan tahay, waxaana xaqiiq ah in ahdaaftaas shanta ah aysan xaqiiqoobi karin ilaa loo dhafro, loo dhibaatoodo, dhiig badan loo daadiyo, nafna loo huro. arintaas ayaana ahayd arintii salafkeena ridhwaanullaahi caleyhim, anaguna waxaa la rabaa in aan iyagaas ku dayano”
Shaykh Cali Dheere ayaa kalimadan ku soo hadal qaaday xamladii balaarneed ee Mujaahidiintu ay ku qaadeen gobolada waqooyi-bari, halkaas muddo ku dhawaad 10 maalmood ah ay dagaallo Malxamad ah ku dhexmarayeen Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaadka maamulada AShahaada la dirirka ee ka jira deegaanadaas, Isagoona sheegay in hadafka duulaankaas uu ahaa sidii shariicada Islaamka loo gaarsiin lahaa deegaanadaas.
“Mujaahidiinta Xarakat Alshabaabul Mujaahidiin waxay shantii Jamaadul Awal, 1437 dagaallo xoogan gobolada waqooy-bari kula galeen maamulka Ashahaada la dirirka ee xoogga ku heysta goboladaas. Hadafka duulaankaas wuxuu ahaa sidii sharciga Allah loo gaarsiin lahaa, looguna maamuli lahaa deegaanadaas, loogana dul qaadi lahaa maamulka dhaaguudka ee ka arimiya deegaanadaas. Dagaaladaas waxay mujaahidiintu ku bixiyeen naf iyo maal intaba iyagoo Allaah talo saartay, maciyadiisna magacan galaya, qadartiisana raali ku ah. waxaan geesiyada howshaas fuliyey ku leenahay Allaha idinka abaalmariyo dadaalkaas aad u gasheen Islaamka iyo ehelkiisa. Allaah waxaan weydiisaneynaa in uu shuhadadiina aqbalo, dhaawaciina caafiyo, asradiinana soo bad-baadiyo” ayuu yiri.
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey. “waxaan ugu bishaareyneynaa mujaahidiinta qaasatan walaalihii cadowga u bac-bac dhigay xadiithkii Nabiga Sallaahu Caleyhi Wasalam uu ku yiri: Ugu bishaarey umaddan makaan sare, diin, kor ahaansho, Nasri, gargaar, iyo dhulkoo la makaniyo. Ninkii camal Aakhiro aduunyo daraadeed u sameeyana nasiib uma lahaanin Aakhiro.
Shaykh Cali Dheere ayaa sheegay in dagaaladaas ay banaanka soo dhigeen dabadhilifnimada maamulka Ashahaada la dirirka kaas oo markii uu awoodiisa u bac-bac dhigi waayey mujaahidiinta u qeylo dhaansaday isbaheysiga gaalada NATO iyo dowladda xabashida Itoobiya.
“dagaaladaas waxay soo bandhigeen halka ay gaarsiisan tahay dabadhilifnimada maamulkaas Ashahaada la dirirka, kaas oo gurmadkii ugu horeeyey ka dalbaday Isbaheysiga saliibiga ee NATO iyo xabashida Itoobiya. Dhanka kale waxaa Alle mahadiis ah in cadowga uu la kulmay dharbaaxooyin culus mudadii ay dagaaladu socdeen naf iyo maal intaba, waxaase intaas oo dhan barbar socday qal-qal amni iyo khalalaaso siyaasadeed oo argagax weyn ku abuuray danaha reergalbeedka ee mandiqadaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Wuxuu qeybaha dambe ee kalimadiisa kula hadlay qabaa’ilada muslimiinta ee ku dhaqan gobolada waqooyi-bari kuwaas oo uu ugu baaqay in ay garab istaagaan mujaahidiinta, ayna ka tagaan qabyaaladda iyo waxyaabaha la midka ah, Isagoona u sheegay in maamulada Ashahaada la dirirka ah ee ka jira deegaanadaas ay yihiin kuwo murtadiin ah oo ay waajib tahay in la tirtiro, islamarkaana aysan matalin qabiil ama qolo gaar ah balse ay yihiin maamulo u shaqeeya gaalada iyo cadowga Islaamka.
Sidoo kale wuxuu hambalyo iyo bogaadin u jeediyey qabaa’ilada Ansaarta ah ee garabka iyo gargaarka u noqday kitaabka Alle, kuwaas oo uu tilmaamay in Mujaahidiintu aysan marnaba ilaawi doonin dowrkooda.
“Waxaa anigoo ka faa’ideysanaya fursadan u mahad celinayaan qabaa’ilada Soomaaliyeed ee garab istaagay jihaadka, waxaana leenahay Jazaakumullahu Khayran, waxaad gudateen waajib ceyni ah iyo cibaado rabi idiin faray, camalkiinana ka ilaalsha waxyaabaha buriya, Alle SWT ha idiin cizeeyo, Mujaahidiintuna ma iloowi doonaan garab istaagiina, sababtoo ah Illahey ma siman kuwa diintiisa difaacay iyo kuwa aan difaacin muslimiinba ha ahaadaane” ayuu yiri
Shaykh Cali Dheere ayaa kalimadiisa ku soo gabagabeeyey dardaaran guud oo ku socda Mujaahidiinta, kuwaas oo uu ugu baaqay Alle ka cabsi, Jihaad, iyo Sabar, Isagoona ku guubaabiyey Aayaad iyo Axaadiith fara badan oo ka hadlaya fadliga iyo faa’idada laga helayo wadada Jihaadka iyo istish-haadka.
Wuxuu Kalimadiisa ku soo gabagabeeyey hadal goodis ah oo ku socda cadowga Islaamka, isagoona ugu bishaareeyey maalmo madow oo argagax badan iyo in uu sii laba jibaarmi doono dagaalka ka dhan ah cadowga Alle.
Halkaan Ka Dhageyso Kalimadda Shaykh Cali Dheere Oo Dhameystiran.
Xigasho TELEGRAM-ka Idaacada Islaamiga Andalus.
Calamada.com
jazaaahu laaah
ilaahna hadhowro