Shilkan gaari waxa uu ka dhacay duleedka degmada Burco ee gobalka Todheer oo ka mid ah gobalada dhaca Waqooyga dalka Somalia.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Labo gaari oo kala ahaa Bas ay dad badan la socdeen iyo gaari Booyad ah kuwaasi oo xowli ku socday.
Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay ugu yaraan Sideed ruux Labo kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo mid ka mid ah dhaawiciisa uu culusyahay.
Dadka deegaanka ayaa gurmad usoo sameeyay dadkaasi shacabka ah ee shilka gaari galay,iyadoona dhaawacyada loo qaaday goobaha caafimaadka.
Inta badan shilalka gaari ee soo laablaabta ayaa sabab looga dhigayaa Burbur iyo ciriiri ka jira dhanka Wadooyinka iyo Darawalada xawaara sare ku ka xeeya gaadiidka.
372 total views, 2 views today