Wararka imaanaya degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Afrikaanta tiro dad shacab ah ku dileen duleedka degmadaasi.
Askarta Shisheeyaha ayaa qabtay gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab kaasi oo marayay agagaarka Xero Labaad ee duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.
Gaariga shisheeyaha waxaa la socday 6 ruux oo shacab ah kuwaasi oo gabi ahaan ay dileen askarta Kufaarta Afrikaanta’waxeyna sidoo kale shisheeyaha gubeen gaarigii Hoomeyda ee dadkaasi shacabka ah la socdeen.
Dhacdadaan naxdinta leh ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka Kufaarta iyo Murtadiinta ay kula dhaqaaqaan dadka shacabka’iyadoona maalmo ka hor ay aheed markii gaadiidka Kufaarta Afrikaanta si ula kac ah u jiireen hooya 70 jir ah oo ku socdaaleysay wadada isku xirta isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Calamada.com