Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Taliyaha Ciidamada AFRICOM Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Taliyaha Ciidamada AFRICOM Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Muqdisho.

calamada June 13, 2019 2 min read
82

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ninka lagu magacaabo Thomas Waldhauser.

Maalintii Talaadada ee aynu soo dhaafnay ayuu Waldhauser kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana kulamo saacado qaatay uu la yeeshey masuuliyiin katirsan dowladda federaalka.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Xassan Cali Kheyre ayaa kamid ahaa madaxda uu Waldhauser la kulmay, waxaana kulankaas ku wehlinayay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Internetka ay ku leeyihiin taliska Africom ayaa lagu sheegay in kulanka ay yeesheen madaxda Maraykanka iyo ra’iisul wasaaraha dowladda looga hadlay, dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Labada dhinac waxay isla soo hadal qaadeen awooda sii xoogeysaneysa ee Mujaahidiinta, iyagoona sheegay iney iska kaashan doonaan la dagaalanka iyo kahortaga weerarada ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xog la helayo waxay ku warameysaa in ra’iisul wasaaraha dowladda uu ku cataabay taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa Thomas Waldhauser, isagoona ka codsaday in Maraykanku ka gacan siiyo dagaalka ay dowladiisa kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dadka u dhuun daloola arimaha Soomaaliya, kana faallooda amniga ayaa sheegaya in safarka Thomas Waldhauser ku yimid Muqdisho, saacadahana qaatay loo qariyay cabsi ku aadan inuu la kulmo weeraro ay kusoo qaadaan guutooyinka Naftood hurayaasha iyo amniga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana howlgala magaalada caasimadda ah.

Maraykanka waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah duulaanka lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana intaa dheer in diyaaradaha aa duuliyaha lahayn ee uu Maraykanku leeyahay gumaad ka wadaan deegaannada dhaca koonfurta Soomaaliya.

Waxaa ugu dambeysay duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay nin dulllaal ka ahaa gawaarida dadweynaha ee ka safra deegaanka Tooratoorow, kaas oo lagu magacaabo Macallin Ibraahim.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ahaa xubin muhiim ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaase arinkaas si kulul u beeniyay Suldaan Maxa’ed Abuukar Mayow oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka islaamiga ee wilaayada Shabeellaha hoose.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dowladda Uganda Oo Markale Diiday Iney La Dhimo Ciidamada Ka Jooga Somalia.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Weerar Maraakiib Lala Beegsaday.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.