Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee Sirdoonka Dowladda Oo Sheegay In Al Shabaab ay Albaabada U Garaacday Villa Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee Sirdoonka Dowladda Oo Sheegay In Al Shabaab ay Albaabada U Garaacday Villa Somalia.

calamada December 29, 2018 2 min read
65

Xilli ay sare usii kacayaan xaddiga weerarada Xarakada Al Shabaab ay ka fulinayso gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa walaac laga muujinayaa sida DF-ka ah ula wareegi karto ammaanka dalka marka ay ciidamada shisheeye dib ugurasho bilaabaan.

Mas’uuliyiin horay ulasoo shaqeeyay DF-ka islamarkaana galaangal ku leh siyaasadda Villa Somalia ayaa ka shanqariyay in xukuumadda Kheyre ay ku fashilantay sugidda ammaanka xarumaha dowladda.

Cabdi Salaam Yuusuf Guuleed oo horay usoo noqday taliye ku xigeenka Sirdoonka dowladda Federaalka ayaa sheegay in Al Shabaab ay dagaalka dhanka amniga ah uga horrayso xukuumadda Kheyre isagoo soo hadal qaaday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay hareeraha madaxtooyada.

hadalkan ayuu Guuleed ka sheegay barnaamij dood ah oo ay qabatay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga waxaana barnaamijkaas diiradda lagu saarayay arrimaha ammaanka.

“Qaraxyadii ugu dambeeyay marka laga saaro kii Hotelkii Saxafi, waxay ka dhacayeen Sayidka illaa Hooyooyinka ama Tiyaatarka, taasoo muujineysa in dowladda Soomaaliya ay soo koobantay”ayuu yiri Taliye ku xigeenkii hore ee Nabadsugida.

Wuxuu sheegay in weerarada Al Shabaab ee magaalada caasimadda ah ay noqdeen kuwa aan laga hortagi karin isagoo ku dhaliilay nidaamka Farmaajo madaxda ka yahay mid ka baxay dhammaan ballan qaadyadii uu sameeyay.

Sarkaalkan ayaa soo hadal qaaday sida xoogaga Al Shabaab ugu suurtagashay in ay cuuryaamiyaan dhaq dhaqaaqyadii ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ah awoodda kaliya ee DF-ka ku difaacda magaalada Muqdisho.

“Haddii maanta dowladda Federaalka wada shaqeyn amni kala dhaxeynMaamul goboleedyadii, haddii Ciidamada AMISOM howlgeli karin oo ay ka soo baxayaan xerooyinkooda, haddii sahaydii iyo socodkii ciidamada go’an yahay oo Baraawe illaa Muqdisho wax isu gudbi karin, ama Jowhar iyo Muqdisho si qatar ah lagu gudbayo, intaas waxay ku tusayaan in is bedel weyn oo amniga jiro ma aysan gaarin heerkan 10-kii sano u dambeeyay”ayuu yiri C/salaan Guuleed.

Warkan kasoo yeeray taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda ayaa imaanaya xilli isbuucii lasoo dhaafay ay xarakada Al Shabaab laba weerar ka fulisay albaabka madaxtooyada islamarkaana ay wali Muqdisho kasii socdaan qaraxyada iyo dilalka lagu ugaarsanayo saraakiisha dowladda Federaalka.

Halkan ka degso caddeymaha Taliye ku xigeenkii Sirdoonka ama hoos daawo

 456 total views,  2 views today

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo-21-04-1440 Hijri.
Next: Diyaarado Dagaal Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Deegaan Katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.