Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • The National: Al-Shabaab Waxay Leeyihiin Garsoorka Ugu Wanaagsan Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

The National: Al-Shabaab Waxay Leeyihiin Garsoorka Ugu Wanaagsan Soomaaliya.

calamada July 22, 2019 3 min read
81

Wargeyska The National ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo nidaamka garsoor ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka hirgelisay wilaayadka islaamiga ee ay gacanta ku heyso.

Warbixintan oo uu qoray nin u dhashey wadanka Ingiriiska oo lagu magacabo Colin Freeman, ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku guuleysatay in dalka  Soomaaliya ay ka hirgeliso  nidaam garsoor, oo uu ku tilmaamay inuu yahay kan ugu wanaagsan ee ka jira wadanka.

“ Al-Shabaab waxay ku guuleysatay in dalka Soomaaliya ay ka taagto nidaam garsoor oo wanaagsan, tan iyo markii uu dhacay maamulkii Siyaad barre, halka xukuumadda Soomaaliya ee uu reer galbeedku taageero ay ku guul dareysatay iney dhisto garsroor la tartama Xarakada, sababo ku aadan musuq maasuq ku baahay dalka, iyo is qab qabsi u dhexeeya xukuumadda” ayaa lagu yiri warbixinta.

Marry Harber oo ah wariye katirsan BBC-da qeybteeda Africa, ayaa iyaduna waxay sheegtay in Xarakada Al-Shabaab ay dalka Soomaaliya ka hirgelisay xukun waxtar leh, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay dhacday dowladdii uu hogaaminayay Maxamad Siyaad Barre.

Dhinac kale, warbixintu waxay soo hadal qaaday weerarkii weynaa ee dhawaan dagaalyahanno Naftood huriyaal ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Qoraaga warbixinta ayaa sheegaya in weerarkaas uu ahaa mid kamid ah cadeymaha muujinaya awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo uu weli sheegay iney gacanta ku heyso muuqaalka amni ee ka jira magaalooyinka ka baxsan gacanteeda.

Mar uu ka hadlayay Freeman, dadka ku sugnaa hotel Cascaseey, iyo qaabka uu u dhacay weerarka ayuu sheegay in dadka la beegsaday ay ku jireen wasiirro hore, musharixiin u tartamaya xilka  madaxtinimada, dagaal oogayaal iyo xubno muhiim ah.

“Sodon sano kadib, gawaarida miineysan iyo iqtiyaalaadka dhacaya, waxay ku qasabtay madaxda sar sare iney aad isku qariyaan, xaafadahoodana ka door bidaan hotellada amaankooda sida aadka ah loo adkeeyo.

“ Weerarkii Cascaseey ee Kismaayo wuxuu markale sugay in dareenka amni ee jira uu yahay mid lagu sirmay, wuxuu socday weerarku inkabadna 14 saacadood, iyadoo lagu daah furay qarax weyn, kadibna rag xoog ku galayaal ah ayaa gudaha u gudbay, halkaasna waxay ku dileen tobanaan ruux oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashey wadamada Maraykanka, Kenya, Uganda, Tanzaniya iyo Shiinaha. Intaas waxaa dheeraa dhimashada tiro siyaasiyiin ah, iyo xubno katirsan dowladda, oo ku dhuumaaleysanayay hotelka” ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay wargeyska The National.

Marry Harber, oo ka howlgasha warbaahinta Ingiriiska ee BBC-da, marar badana booqasho ku timid Soomaaliya ayaa sheegeysa In hotelladu ay guryo iyo goobo lagu shiro u yihiin xubnaha dowladda, hotellada qaarkoodna waxayba ku tilmaamtay iney yihiin wasaarado dowladeed.

Balse waxay intaa ku dartay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si toos ah uga warheyso waxa ka socda gudaha hotellada, si joogta ahna ay weeraro ugu soo qaado.

Warbixinta waxay inta ku dareysaa “ inta badan hotellada caalamiga ah ee ku yaala Muqdisho marar badan ayaa la beegsaday, Al-Shabaab-na waxay helaan dulduleello amni, kuwaas oo ay soo gudbiyaan shabakado sirdoon oo aad u dhisan”.

Marry Harber ayaa iyaduna waxya buug cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ay si dhow ula socoto waxay sameynayaan siyaasiyiinta, hotellada  ay deganyihiin, iyo xitaa raashiinka ay cunaan.

Waxay intaa ku dartay “macluumaadkaas waxay mararka qaar u adeegsadaan dilal qorsheysan, kuwana waxay u usticmaalaan digniino”.

“Dhamaan xaqiiqooyinkan, waxay jawaab u yihiin su’aal cad oo uu Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka  waydiiyay wasaaradda arimaha dibadda, taas oo ahayd “ maxaan uga guuleysan la’nahay Al-Shabaab, oo aan dagaal kula jirno inkabadan toban sano?”sidaas waxaa leh warbixinta.

Dhanka kale, warbixinta lagu daabacay wargeyska The National waxay soo gudbineysaa qiimeynteeda ku aadan usluub dagaaleedka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“ Xarakada Al-Shabaab waxay xooga saareysaa dagaalka Jabhadeynta, raayadeeda madowna waxay ka dul babaneysaa masaaxo ballaaran oo kamid ah koonfurta Soomaaliya, maamullada ay yegleeshana waxay ka kaaftoomeen taageera dibadeed iyo mid caalami. Xaqiiqdii Al-Shabaab waa jamaacadii ugu horeysay ee Jihaadi ah, oo maamusha dhul sidan u ballaaran muda intan la eg” ayuu yiri Colin Freeman.

Warbixintan uu daabacay wargeyska The National, isalarmkaana uu qoray qoraaga Colin Freeman oo u dhashey wadanka Ingiriiska waxaa lagu soo khatimay “kadib toban sano oo ay Xarakada Al-Shabaab ku hor sugnaatay qorshayaasha la dagaalanka Argagaxisada, waxay Xarakadu sii jiri doontaa waqti aad u dheer, inta ay jirtana suurtagal uma ahan madaxda degan hotellada iney mardhow kusoo laabtaan xaafadahooda”.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka 19-11-1440-Hijri.
Next: Daawo: Beeraha Dalkeena Maan Ku Baahi Beelno Q-2aad (Gobolka Bay)

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.