Iyadoo labo maalin ka hor qarax culus uu ka dhacay magaalada Qudus ee dhulka Muslimiinta reer Falistiin islamarkana qaraxa lala beegsaday gaari Bas ah oo dad yahuud ah ay la socdeen ayaa waxaa isasoo taraya wararka ku aadan qaraxaasi.
Mas’uuliyada qaraxa waxaa sheegtay ururka Xamaas ee ka dagaalama dhulka Muslimiinta reer Falistiin kadib bayaan rasmi ah oo kasoo baxay jamaacadaasi.
Bayaanka Xamaas ayaa lagu sheegay in qaraxa uu fuliyay Mujaahid Falistiini ah oo lagu magacaaba Cabdul Xamiid Muxamed Abuu Saruur oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Beytu Laxam oo qeyb ka ah dhulka Muslimiinta Reer Falistiin ee Yahuuda xooga ku heysata.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in walaalka camaliyada fuliyay uu u shahiiday dhaawac kasoo gaaray camaliyadii uu ka dhex fuliyay baskii ay la socdeen dadka Yahuuda.
Labo maalin ka hor ayeey aheed markii la qarxiyay gaari bas ah oo ay dad Yahuud ah la socdeen kaasi oo ku qarxay gudaha magaalada Qudus’waxaana camaliyadaasi ku dhaawacmay inka badan 20 ruux oo Yahuud ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.