Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in ciidamada Muajahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga Bagaram oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nasaarada Mareykanka ay ka sameysteen gudaha dalka Afghanistan.
Tiro madaafiic ah ayey saraakiil ka tirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan xaqiijiyeen iney gudah u galeen saldhiga kuwaasi oo la filayo in khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed kasoo gaartay askarta Mareykanka.
Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa xilli dalka Afghanistan booqasho aan horay loo sii shaacin ku jooga waziirka Gaashaandhiga dowlada Nasaraada Mareykanka kaasi oo la xaqiijiyay in xilli duqeynta uu ku sugnaay gudaha saldhiga Bagaram.
Dhanka kale saacadihii lasoo dhaafay waxey ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga howlgalo kala duwan oo isugu jira dilal qorsheysan qaraxyo iyo dagaalo toos ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah dalkaasi.
Weerarka kowaad oo loo adeegaday qarax waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afghanistan kaasi oo lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka daba dhilifka Afghanistan.
Gabi ahaan waxaa burburay gaariga ay miinada haleeshay waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday gabi ahaan xubnihii la socday gaarigaasi.
Weerarka labaad oo ah kamiin waxey ciidamada Imaarada Islaamiga u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada Khaaska ah ee maamulka dowlada Nasarada Mareykanka ka dhisatay Afghanistan kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Paktiya.
Webka Imaarada ayaa baahiyay in weerarkaasi lagu gubay gaari nooca gaashaaman islamarkaana lagu dilay saddex askari oo ciidamada gaarka ah iyo dhaawaca shan kale.
Sidoo kale dagaal culus oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobalka Gazni waxaa lagu dilay 9 askari oo ka tirsan ciidamada maamulka daacada u ah dowlada Mareykanka ee fadhiguusu yahay magaalada Kaabul waxaa sidoo kale dagaalkaasi lagu dhaawacay shan askari.
Saraakiil ka tirsan Imaarada Islaamiga ah Afghanistan ayaa sheegay in dhanka Mujaahidiinta dagaalka ka dhacay gobalka Gazni ay kaga shihiideen labo walaal.
Sidoo kale howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobalka Nimruuz waxey ku dileen sarkaal ka tirsanaay hey’ada Sirdoonka maamulka daba dhilifka kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Al-fowr.
Sidoo kale weeraro kala duwan ayaa ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobalada Helmand’Nuristan iyo Nangahaar ee dalka Afghanistan.
Halkan Ka Booqo Webka Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com